Ururka shiiciga Lubnaan ee la baxay Xisbullah ayaa shaaciyay in la dilay madaxoodii golaha fulinta ee ururkaasi, ninka la oran jiray Haashim Safyidiin, xilli hore ciidanka Yahuuddu u xaqiijiyeen inay dileen ninkaasi.
Safyiddiin ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa ninka beddeli lahaa hoggaamiyihii ururkaasi shiiciga Xasan Nasrallah, kaasi oo ku baxay gacanta ciidamada maamulka Yahuudda ee xoogga lagu dajiyay dhulka Falastiin.
Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa beegsi ba’an ku haya saraakiisha ciidan ee ururka shiiciga Lubnaan, waxayna dileen hoggaankii ugu sarreeyay ee ciidamada iyo siyaasadda ururkaasi.
Maanta oo ay ugu dambeysay waxay kooxdan fadhigeedu yahay koonfurta Lubaan qaadeen weeraro 130 gantaal ah oo ay ku dhufteen deegaannada dhaca waqooyiga dhulka Falastiin ee Yahuudda lagu deegaameeyay, kuwaas oo khasaare gaystay.