Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa duleedka magaalada Cape Town ee dalka South Africa ku dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ka shaqaysta waddankaasi.
Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Happy Valley oo ka mid ah deegaannada dhaca duleedka magaalada Cape Town, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 2 qof oo Soomaali ah.
Ilo wareedyo ku sugan aagga ay wax ka dhaceen ayaa xaqiijiyay in kooxda burcadda ah ay u dhaceen goob ay ku shaqaysanayeen dhalinyaradaasi, waxayna kooxaha burcadda ah mar qura rassaas xooggan huwiyeen 2-da qof, taasi oo keentay inay goobta ku dhintaan.
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in labada qof ee la dilay lagu kala magacaabi jiray Cabduqaadir Macallin iyo Xasan Xamuud.