Wararka ka imaaanaya waddanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lasoo wariyay in ay dileen ruuxaan oo ah ganacsade, kaas oo ku noolaa magaalada Cape Town, kadib markii ay ku dhufteen dhowr rasaas ah ayey dhac u gaysteen dukukaankii uu lahaa ganacsadaha oo lau magacaabi jiray Maxamad Calasow.
Ciidanka Boliska Koonfur Afrika ayaa saacado kaddib tagay goobta uu ka dhacay falkan iyaga oo sheegay in ay wadaan baaritaanno, balse majiro ilaa iyo hadda shakhsiyaad loo soo xiray dilka qofkan Soomaaliyeed.
Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee lagu dilo dadka Soomaalida ah, sannad waliba waxaa dalkaasi laga soo diinwaagaliyaa tobannaan dhacdooyin dil ah, kumannaan kun oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa ku nool dalkaan, kuwaas oo qaarkood u qaxay sagaashameeyadii.
Taqaariir soo baxday ayaa muujinaya in 20-kii sano ee lasoo dhaafay dad kor u dhaafaya kun iyo shan bioqol oo ruux oo Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur Afrika.