Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa, ayaa sheegaya in qof Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas u shaqo tagay lagu dilay goob ganacsi oo uu ka howlgalayay.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in falkan dilka ah uu ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Cape Town oo ka mid ah caasimadaha dalka Koonfur Afrikca, halkaas na lagu dilay Suleymaan Axmed Maxamuud.
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegay in wiilkan oo ahaa mid aad u da’yar ay koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ku dhex dileen dukaan ganacsi oo uu ka shaqeynayay, kaasoo kuyaal xaafad ka tirsan degmada isku raranka ah ee Khayalisha ee ka mid ah deegaannada hoostaga magaalada Cape Town.
Kooxda burcadda ah ee dilka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay goobta ka carareen dilka kaddib, ma jirin howlgal dad lagu soo qab qabtay oo ay sameeyeen ciidamada Booliiska, kuwaas oo lagu eedeeyo inay iyaguba qayb ka yihiin dilalka iyo dhaca ka dhanka ah dadka Ajaanibta ah ee dalkaasi ganacsiyada u tagay.