Xiisad colaadeed ayaa ka taagan inta u dhaxaysa Gaarissa oo raacsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya iyo Ismaamulka Tanariva.
Xiisadda ayaa ka dambeysay kaddib markii kooxo qowmiyad ahaan isku soo abaabulay oo Kenyaan ah ay si bareer ah u dileen ugu yaraan 3 qof oo Soomaali ah, sida ay soo sheegeen goobjoogeyaal ku sugan NFD.
Dhacdada lagu dilay dadkan, ayaa si gaar ah looga soo tabiyay xuduud beenaadka u dhaxeeya Gaarissa iyo Tanariva.
Dilka kaddib, ayaa xiisad xooggan laga soo tabiyay jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaarissa iyo Nairobi ee caasimadda Kenya, dadka Kenyaanka ah ayaana ugaarsi gaar ah ku haya dadka Soomaaliyeed ee ku socdaalaya inta u dhaxayso labadaasi magaalo.
Kooxaha Kenyaanka ah ayaa lasoo wariyay inay xirteen waddada dheer ee isku xirta labadan magaalo ee Gaarissa iyo Nairobi, mid ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ka badbaaday kooxaha Kenyaanka ,ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay wajahayaan dadka NFD ee isaga gooshaysa labada magaalo.
Muuqaal kooban oo uu soo duubay qofka ka badbaaday xaaladda ka taagan waddadan ayaa muujinayay dhagxaan lagu daadiyay laamiga dheer ee isku xira caasimadda Kenya iyo Gaarissa, wuxuuna sheegay in waddooyinka ay taaganyihiin kooxo ku hubeysan baangado iyo fallaar, kuwaas oo si gaar ah beegsanaya Soomaalida.