Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhaawacmay shil dhanka badda ah oo ka dhacay gobolka xeebta ah ee dalka Kenya, sida ay soo warisay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya.
Shilkan ayaa ka dhacay xeebta ismaamulka Mombasa ee ka tirsan gobolka xeebta ah, waxaana shilkaasi galay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha, kaasi oo isku dayay in uu ka gudbo marinka Likoni.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in darawalka gaariga uu lumiyay kaantarolka gaariga, taasi oo keentay in uu ka dhaco darbiga marinka, dedaal kaddib ayaa laga soo saaray biyaha badweynta Hindiya.
Warbaahinta guduhu waxay soo sheegtay in sagaalka xubnood ee shilkan badda ka dhacay ku dhaawacmay toddobo ka mida gargaar deg deg ah loogu sameeyay isla aagga uu shilku ka dhacay, halka laba kalena loo qaaday xarumaha caafimaadka si loo dabiibo.