Weerar khasaara xoogan dhaliyay ayaa ka dhacay Iskuul ku yaala Konfurta gobalka Florida ee dalka Mareykanka,iyadoona faah faahino laga helayo weerarkaasi.
Weerarkan oo uu fuliyay mid ka mid ah Ardayda Dugsiga sare ee weerarka uu ka dhacay waxa uu ardaygaan ku hubeysnaay Qoryaha sida darandooriga u dhacay ardaygaan ayaa sidoo kale ahaa wiil 19 Jir ah.
Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay (17)Toban iyp Todobo Ruux waxaa sidoo kale ku dhaawacay Kontonmeeyo ruux kuwaasi oo badankooda dhaawacyadooda culusyihiin.
Saraakiisha Booliska ee gobalka Florida ayaa dhankooda xaqiijiyay weerarka iyadoona marba marka ka dambeyso ay sii kordheyso khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Xasuuqa ka dhacay Dugsiga sare ee ku yaala Florida ee dalka Mareykanka waxa uu kusoo aadaya xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee wakaaladda amniga Qaranka Mareykanka taasi oo sidoo kale geysatay khasaara nafeet.
Calamada.com