Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo sacadihii lasoo dhaafay ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kenya.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo gaari oo mid ka mid ah uu Bas ahaa’iyadoona shilkan uu sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Mid ka mid ah saraakiisha booliska dowlada Nasaarada Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhinteen (24) Afar iyo Labaatan ruux oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaariga Baska.
Sidoo kale goobaha caafimaadka ayaa la dhigay dad kale oo fara badan kuwaasi ku dhaawacmay shilka gaari ee ka dhacay wadada isku xirta labada magaalo.
Dalka Kenya waxa uu ka mid ah wadamada ay ka dhacaan shilalka gaadiid ee ugu khasaaraha badan caalamka.
Calamada.com