Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo duleedka magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo kuwa federaalka.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey weerar culus ku qaadeen kolanyo murtadiin ah oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday deegaanka yoontooy waxaana jirta khasaara culus oo askarta ridada lagu gaarsiiyay weerarkaas.
Inta la xaqiijiyay 16 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada federaalka iyo maamul gobaleedka Jubbo land ayaa lagu dilay weerarka kuwaasi oo ay ku jiraan labo sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray maxamed cabdi maxamed yare oo taliye hoorin ahaa iyo saadaq axmed oo taliye koox ahaa.
Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dhaawacay 20 askari oo isla ridada ah, Waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli Mujaahidiintu ay sii kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kufaarta iyo murtadiinta.
Calamada.com