Wararka ka imaanaya dalka Kenya waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo aad u xoogan.
Shilkan gaari waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Nayroobi Iyo Mombasa,waxa uu shilkan yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Bas ah oo dad fara badan ay la socdeen iyo Gaari noocyada Xamuulka ah.
Inta la xaqiijiyay Shilkan gaari waxaa ku dhintay Sagaal ruux waxaana ku dhaawacmay Labataan ruux kuwaasi oo badankoodu dhaawacyadooda culusyihiin kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka.
Dadkii ka badbaaday shilkan gaari ayaa sheegay in dab xoogan gawaarida ka kacay markii ay isku dhaceen halkaasi ayeyna ku Basbeeleen Labadaasi gaari.
Dalka Kenya ayaa ka mid ah wadamada ay ka dhacaan shilalka gaari ee sababaha khasaaraha Nafeet iyo midka Hantiyadeed.
Calamada.com