Isbuucii Labaad waxaa si toos ah dhulka Muslimiinta Falistiin ka socda dibad baxyo waaweyn oo looga soo horjeeda hadalkii kasoo yeeray Axmaqa gaalka ah ee hogaamiya dowlada Saliibiyadda Mareykanka kaasi oo ahaa inuu magaaalada Al-qudus u aqoonsaday caasimada maamulka Yahuuda.
Magaalada Al-qudus,Jiida Gaza,Daanta Galbeed iyo deegaano kale oo ka mid ah dhulka Muslimiinta Falistiin waxaa ka dib dukashadii Salaada Jimcaha dib kaga bilowday dibad baxyada lagu difaacayo Masjidka Al-aqsaa iyo guud ahaan magaalada Al-qudus.
Malaayiinta Muslimiinta Falistiin ee isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Al-qudus iyo magaalooyin kala ba waxa uu iska hor,imaad xoogan dhexmaray iyaga iyo askarta Sahyuuniyadda Yahuuda oo doonayay iney kala ceyriyaan dadka Muslimiinta ee wadooyinka iyo fagaarayaasha isugu soo baxay.
Ciidamada maamulka Sahyuuniyadda Yahuuda ee xooga lagu dajiyay dhulka Muslimiinta Falistiin ayaa rasaas nool nool u adeegsaday kumanaanka ruux Muslimiinta ah ee wadooyinka isugu soo baxay.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in rasaasta ay fureen ciidamada Yahuuda ay ku shihiideen Afar ruux Muslimiin Falistiiniyiin ah waxaana ku dhaawacay (340) Saddex Boqol iyo Afartan Ruux Muslimiin ah.
Isbuucii Lasoo dhaafay ayeey aheed markii sidoo kale rasaasta Yahuuda ay ku dhaawacmeen dad Muslimiin Falistiiniyiin ah oo tira dooda ay ku dhaweed Labo Kun oo Ruux waxeyna tani qeyb ka tahay xasuuqa ciidamada Sahyuuniyadda Yahuuda ay ku hayaan walaalaheena Muslimiinta Falistiin.
Calamada.com