Waxaa sii kordhaya khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dhulgariirkii xoogganaa ee ruxay magaalooyinka waddamada Suuriya iyo Turkiga.
Xukuumadda uu fadhigeedu yahay Ankara ayaa sheegtay in dad ka badan 3.549 qof ay ku dhinteen dhulgariirka ka dhacay Turkiga, halka ay ku dhaawacmeen inka badan 20 kun oo kale welina ay jiraan boqolaal ruux oo ku xayiran burburka hoostiisa.
Gobolka Kaataay ee Turkiga waxaa lagasoo calaamadiyay 145 dhulgariir oo heerar kala duwan leh, inka badan 14 dowladood ayaana ku dhawaaqay in ay gargaar bani’aadanimo u dirayaan dowladda Turkiga.
Sidoo kale dhulgariiro horleh ayaa ku dhufay gobollada dhaca Koonfurta Turkiga, kuwaas oo gaystay khasaaro kala duwan.
Dhinaca kale dad gaaraya 1.600 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Idlib, xalab iyo laadiqiyah ee waddanka Suuriya
Saraakiisha kooxaha mucaaradka ee ka arrimiya gobolka Idlib ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibanayaasha ah, sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaana muujinaya burburka ka dhashay musiibadii dhacday, iyo boqolaal qof oo lasoo badbaadinayo.
Dhanka kale warbixin ay maanta soo saartay hay’adda waxay ugu yeeraan caafimaadka adduunka ayaa lagu sheegay in dadka ku waxyeelloobay dhulgariirrada Suuriya iyo Turkiga ay gaarayaan 23 milyan oo ruux.