Wararka laga helayo gobalka Helmand ee Konfurta Dalka Afghanistan waxey sheegayaan in deegaan ka tirsan gobalkaasi ay ka dhacday Camaliyad Istish-haadiyo ah taasi oo lala beegsaday kolanyo ciidan ah.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah waxey ka dhacday deegaanka Tabiiley oo ah deegaan hoostaga degmada Nawah ee gobalka Helmand,iyadoona camaliyaddaan sigaar ah loola beegsaday kolanyo ciidan oo Tarasus ama saf dheer ku jiray.
Inta la xaqiijiyay Camaliyadan Istish-haadiyada ah waxaa lagu dilay Konton iyo Sideed askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka daba dhilifka Kaabul.
Sidoo kale Camaliyaddan waxaa lagu dhaawacay Sideed iyo Toban askari waxaana lagu burburiyay Saddex gaari oo ah noocyada dagaalka ee Taangiyada.
Maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul ayaa gabi ahaan deegaanka isaga cararay waxeyna goobta kaga tageen Afar gaari oo noocyada dagaalka ah oo bad qabo waxaa gaadiidkaasi gacanta ku dhigay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah waxaa fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan,waxaana lagu magacaabaa Naqiibullaahi Musdhafa oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobalka Qandahaar kaasi oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay bartamaha kala galay kolanyadii ku sugneed deegaanka hoostaga magaalada Nawah.
Camaliyadan lagu laayay maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul waxey kusoo aadeysaa xilli bishii lasoo dhaafay ee Dulqacdah weeraro ka dhacay gudaha Afghanistan lagu dilay Afartan iyo Kow askari oo American ah.
Calamada.com