Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, ninka lagu mgacaabo Yoon Suk-yeol, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhamaan magaalooyinka dalkiisa uu ku soo rogay xukun millatari oo degdeg ah, isaga oo dhanka kalena albaabada isugu dhuftay dhismaha baarlamaanka.
Yuun Suuk ayaa ku eedeeyay xubnaha mucaaradka in ay kala soo safreen oo u janjeeraan dhanka dowladda Kuuriyada waqooyi ee ay jaarka yihiin, khilaaf xooggana uu kala dhaxeeyo, xukunka millatari ayaa imaanaya xilli xaalad siyaasadeed oo xooggan ay ka jirto dalkaasi.
Ku dhawaaqista go’aanka madaxweynaha dalkaas ee xukunka millatari kaddib, Tv-ga rasmiga ah ee dowladdaasi ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya diyaarado nooca kuwa qumaatiga u kaca oo ku degaya dhismaha baarlamaanka ee kuyaal caasimadda dalkaasi Siyool, kaasi oo si rasmi ah albaabada la isugu dhuftay.
Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganayso millatariga ayaa sheegtay in la joojiyay howlaha baarlamaanku qaban jiray iyo dhaqdhaqaaqyada xisbiyada siyaasadeed, dhinacyo kale ayaa sidoo kale lasoo wariyay in ay hoos u dhici doonaan xukunka millatari awgiis.
Hoggaamiyaha mucaaradka ninka lagu magacaabo Lee Jae-myung oo lagu eedeeyay in uu la jiro dhanka Kuuriyada waqooyi ayaa soo hadlay, wuxuuna cambaareeyay tallaabada uu qaaday madaxweynaha dalkaasi, isagoo dhanka kale ugu baaqay shacabka taageersan inay isugu soo baxaan afaafka baarlamaanka si ay uga soo horjeestaan xukunka millatari.
Madaxweynaha Kuuriyada koonfureed ayaa ku goodiyay in uu la dagaallami doono xoogagga mucaaradka ee kasoo horjeeda, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay u janjeeraan Kuuriyada waqooyi, markii uu meesha ka saarana uu dib usoo celin doono xukunka rayidka waa sida uu hadalka u dhigaye.