Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ciidamo aad u xooggan ku daabushay xudduudeeda koonfureed, si ay halkaas uga dhistaan xarumo ilaalo ah, ka gadaal markii ay xukuumaddaasi sheegtay in looga baxay heshiis ay la gashay xukuumadda uu fadhigeedu yahay Seoul sannadkii 2018-kii.
Saraakiil ciidan oo ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay, in dowlada ay jaarka yihiin ee waqooyiga ay askar badan iyo hub culus geeyeen xarumaha ilaalada ee u dhow xudduudda Kuuriyada koonfureed.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya, kaddib markii xukuumadda Pyongyang ay hawada sare u dirtay dayax gacmeed nooca basaaska ah, kaas oo xiisad kale ka dhaliyay gacanka Kuuriya.