Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin ay dhigteen inta u dhaxeysa deegaanka Daynuunaay iyo degmada Baydhabo ee gobalka Baay.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen iney arkeen meydka Hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtad Shariif Sakiin kaasi oo lagu dilay weerarka Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen isbaaradaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta gacanta ay ku dhigeen Qoriga iyo booshkii uu ku hubeysnaay askariga lagu dilay weerarkaasi.
Dhanka kale Howlgal ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanka Daynuunaay iyo degmada Buurhakabo ee isla gobalka Baay waxey ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka Shariif Sakiin kaasi oo sidoo kale ay ka furteen qorigii iyo Booshkii uu ku hubeysnaay.
Maalintii shalay ayeey aheed markii weerar dhabba gal ah oo ka dhacay duleedka degmada Xudur ee gobalka Bakool lagu dilay Shan askari laguna dhaawacay Afar kale oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka dowlada Xabashida Itoobiya u adeega ee Shariif Sakiin.
Calamada.com