Barqinimadii maanta ayaa weerar Nafhurnimo oo xoogan waxa uu ka dhacay xarun ay leeyihiin ciidamada mukhaabaraadka xukuumadda Kaabul oo ku taalla caasimadda wadankaas.
Istish-haadi ka tirsan Imaarada islaamiga ee Afghnistan ayaa beegsaday kolonyo ciidamo ah oo katirsan sirdoonka, kuwaas oo marayay xaafadda Campany ee magaalada Kaabul.
War kasoo baxay Imaarada islaamiga ah ayaa lagu sheegay in tobanaan askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen howlgalka istish-haadiga ah oo uu fuliyay Axmed Qaznawi.
Ciidamada la beegsaday waxay howlgallo qarbudaad iyo xasuuq ah ka sameyn jireen gobollada Lowjar iyo Meydaan Wardak ee wadanka Afqaanistaan, waxaana muuqata in Mujaahidiintu ay weerarkan u qaadeen aargudasho.
Camaliyad kale oo istish-haadi ah ayaa iyadana waxay ka dhacday deegaanka Dowraani oo hoos yimaada magaalada Nazakh ee gobolka Meydaan wardak.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaari miineysan oo uu kaxeynayay Istish-haadi ayaa gallaaftay nolosha tobanaan askari oo katirsan ciidamada sida gaarka u tababaran ee la shaqeeya dowladda Maraykanka.
Afhayeenka Imaarada islaamiga Dabiixullaahil Mujaahid oo war soo saaray wuxuu wacad ku maray iney sii xoojin doonaan weeradada ay ku beegsanayaan ciidamadan oo ku tilmaamay “mooryaan dhiig miirato ah oo ku kacay xasuuq argagax leh”.