Diyaaradaha dagaalka ciidamada Yahuuda ayaa markale habeenkii xalay duqeyn xaasidnimo ah ka geystay magaalada Gazza ee dhulka Muslimiinta reer Falistiin.
Duqeynta waxey si gaar ah diyaaradaha Yahuuda ula beegsadeen god si qarsoodi kaga qodnaay xadka u dhaxeeya magaalada Gazza iyo magaalada Rafax oo ah magaala dhacda dhanka Konfureed ee Jiida Gaza.
Godkan ayaa ahaa mid si qarsoodi ah raashiinka’daawooyinka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah loo marin jiray dadka Muslimiinta ee ku go’doonsan magaalada Gazza.
Wakaaladaha wararka ayaa baahiyay in duqeyntaasi ay ku shahiideen labo ruux oo Muslimiinta Falistiin ah kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Xasaam Xamiid oo 29 jir ah iyo Muxamed Anwar oo 38 jir ah.
Sidoo kale duqeyntaasi waxaa ku dhaawacmay Shan ruux oo Muslimiinta reer Falistiin ah kuwaasi oo la xaqiijiyay in labo ka mid ah dhaawacyadooda culusyihiin.
Saddex maalin ka hor ayeey aheed markii sidoo kale ciidamada Sahyuuniyada Yahuuda ay tiro madaafiic cadowtooya ah ku garaaceen isla magaalada Gazza.
Calamaa.com