Weerar qorsheysan oo Saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaanka Kaxda ee magaaladan Muqdisho waxaa lala beegsaday kolanyo maleeshiyaatka Nabadsugidda ah kuwaasi ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ashahaado la dirirka Maamulka Farmaajo.
Weerarkan ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay saraakiisha iyo maleeshiyaatka Nabadsugidda ee lagu weeraray deegaanka Kaxda.
Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay sarkaal Labo Xidigle ah oo ka tirsan Nabadsugidda Murtadiinta kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxamed Xaduur oo ku magac dheeraa(Alxan).
Taliyaha maleeshiyaatka Nabadsugidda ee deegaanka Kaxda oo ku jiray kolanyada la weeraray ayaa si dirqi ah kaga badbaaday in lagu dila weerarkaasi.
Weerarkan waxaa Mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli Fiidkii hore ee xalay Sarkaal iyo askari ka tirsan dowlada Ridada lagu kala dilay degmada Yaaqshiid iyo deegaanka Kaxda kuwaasi oo laga qaatay Qoryihii ay wateen.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.