Saacadihii lasoo dhaafay waxaa is casilay la tiliyihii dhanka amaanka madaxweynaha dowlada Nasaarada Mareykanka’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan iscasilaadiisa.
Gaalka is casilay ayaa lagu magacaabaa Michael Flynn waxeyna wararka qaar sheegayaan in is casilaadiisa ay salka ku heysa xiriir dhawaan sarkaalkan uu lasameeyay dowlada Nasaarada Ruushka.
Donald Trump madaxweynaha dowlada Nasaarada Mareykanka ayaa horay u sheegay inuu qiimeyn ku sameydoona kaaliyihiisa dhanka amaanka xiriirka uu la sameeyay danjiraha dowlada Ruushka.
Xiriirka sarkaalkan uu la yeeshay dowlada Ruushka ayaa shaki iyo khilaaf ka dhex abuurtay madaxda dowlada Mareykanka iyadoona madaxweyne ku xigeenka Mareykanka uu si aad ah u difaacayay sarkaalka is casilay.
Calamada.com