Ugu yaraan lix xubnood ayaa lagu dilay weerar uu fuliyay nin mindi ku hubeysan, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Australia, kaas oo beegsaday goob mashquul badan.
Booliiska Australia ayaa shaaciyay inay toogasho ku dileen ninka weeraryahanka ah ee Mindida ku dilay lix qof oo ku sugnaa suuq ganacsi oo ku yaalla Sydney, si gaar ah agagaarka xeebta Bondi Sabtida maanta, waxaana goobta ka baxsaday boqollaal qof oo ku sugnaa.
Weerarka ayuu boolisku tilmaamay in uu si gaar ah u beegsaday xarunta ganacsiga ee lagu magacaabo Westfield oo dad badan ku sugnaayeen, isagoo intaas ku daray in dadka dhintay 5 ka mid ah ay ahaayeen dumar, dadka ku dhaawacmay weerarka ayuu taliska booliska ku sheegay 8 xubnood oo kale, kuwaas oo uu ku jiro ilmo yar oo aan weli dhameysan sanadkiisii ugu horreeyay.
Reuters oo dhankeeda soo xiganaysa taliyaha booliiska New South Wales waxa ay sheegtay in weerarka uu ahaa mid uu fuliyay qof Mindi ku hubeysan oo ka mid ah dadka deegaanka, weeraryahankana aysan aqoonsan, dadiisa ayaa lagu qiyaasay 40-tameeyo.