Ugu yaraan lix xubnood ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay iska hor’imaadyo toos ah oo ka dhacay deegaanka Horo Guduru ee ka tirsan gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.
Ilo wareedyo dhanka deegaanka ayaa soo sheegay in iska hor’imaadyada ay si gaar ah u dhexmareen ciidamada ammaanka dowladda Itoobiya ee gobolka Oromiya iyo maleeshiyada jabhadda Oromada ee OLA, waxayna ku dirireen deegaan loo yaqaan Wolkite.
Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtay in dhowr xubnood oo ciidamada ammaanka ka tirsan iyo nin hubaysan oo ka tirsan kooxda isku magacawday ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.
Xubin kale oo aan la magacaabin ayay warbaahinta gudaha sheegtay in la afduubay xilli uu ku socdaalayay inta u dhexeysa Agamsa iyo Kiremu, ciidanka afduubka ku kacay ayaa lasoo wariyay inay dalbadeen madaxfurasho, waxayna ka codsadeen in uu bixiyo malaayiin lacag oo birr ah.
Isku dhacyada hubeysan ee dhemxray ciidamada daacadda u ah Abiy iyo sidoo kale maleeshiyada jabhadda mucaaradka ee (OLA) ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii dambe ay xukuumada Addis-ababa ku andacoonaysay in xaalada amaan ee gobolka Oromia ay soo hagaagtay.