Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya, ayaa sheegaya in iska hor’imaad u dhaxeeyay dad shacab ah iyo maleeshiyaadka Liyuu booliska uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolkaasi.
Iska hor’imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Cadaadle ee ka tirsan gobolka Shabeelle sida dadka deegaanku soo sheegeen, waxaana weerarkaasi soo qaaday maleeshiyo ka tirsan Liyuu Booliska.
Iska hor’imaadka dhexmaray dadka shacabka ah iyo sidoo kale maleeshiyada Liyuu Booliska ayaa lasoo wariyay inay ku dhinteen ugu yaraan laba askari oo ka tirsanaa Liyuu Booliska iyo 4 kale oo shacab ah.
Dagaallada u dhaxeeyay maleeshiyada Mustafe Cagjar iyo kuwa dadka deegaanka ayaa yimid xilli deegaankan ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaayeen xiisad aad u xooggan, ciidanka Liyuu booliska ayayna dadka shacabka ah ku eedeeyeen in uu si bareer ah u beegsaday dadka rayidka ah.