Xaqqiiqo ahaan, ilaa inta dadka Muslimiinta ahi ay u oommanyihiin isbeddel, dagaalku waxa uu ahaan doonaa jidka kaliya ee isbeddelkaas loo maro. Maraykanku waxa ay aqbaleen in ay Daalibaan qabsato xukunka Afghanistan wali se waxa ay sii wadaan la dagaallanka Al Shabaab ee Soomaaliya. Guud ahaan Muslimiinta caalamku waxa ay maanta ku jiraan dagaal laba waji leh. Waxa ay Muslimiintu dagaal kula jiraan ‘cadawga dhaw’ oo ah maamullada dabadhilifka ah ee gaalada u adeega ee ka dhisan dhulalka Islaamka iyo ‘cadawga fog’ oo ah Maraykanka iyo xulafadiisa.
Dhammaadkii sannadkii 2021kii ayay ururka Daalibaan la wareegeen xukunka dalkooda, ka dib dagaal socday muddo labaatan sannadood ah oo ay la galeen Maraykanka iyo xulafadiisa isbahaysiga NATO. Guushaa weyn ee u soo hoyatay dadka reer Afghanistan, waxa ay warwar xooggan ku abuurtay gaalada ku soo duushay Soomaaliya iyo adeegeyaashooda af Soomaaliga ku hadla. Qaylodhaan ayay gaalada iyo gaaloraacu afka furteen, iyaga oo sheegey in Soomaaliya ay noqon doonto Afghanistanta Afrika (next Afghanistan).
Iyada oo haddaba qaylodhaantaas laga jawaabaayo, xukuumadda Xamar ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud waxa ay duullaan cusub ku qaadday dhulka ay Al Shabaab maamulaan badhtamihii sannadkii 2022kii. Wajiga cusub ee dagaalka xukuumadda Xassan Sheekh waxa uu ka bilaabmay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Galguduud. Markii uu bilaabmay duullaankan cusubi, La Taliyaha Amniga ee Xassan Sheekh ayaa sheegey in marka la gaadho July, 2024ka la soo afjari doono joogitaanka Al Shabaab ee Soomaaliya. Mar kalena, Xassan Sheekh laftiisu mar uu ka hadlaayay magaalada Dhuusomarreeb waxa uu ballanqaaday in muddo ‘shan bilood’ gudahood ah lagu soo afjari doono joogitaanka Al Shabaab ee gudaha Soomaaliya.
Waxa xusuusin leh, markii duullaankani bilaabmay, waxa ay siyaasiyiinta iyo falanqeeyeyaashu ku celceliyeen, haddii duullaankan cusub lagu guuleysan waayo, in arrintaasi ay keeni doonto in Al Shabaab ay la wareegaan Soomaaliya. Hoggaanka siyaasiga ahi waxa ay ku celceliyeen in ay tani tahay fursaddii ugu dambaysay. Adeegeyaasha af Soomaaliga ku hadlaa waxa ay si joogto ah ugu celceliyeen in Soomaaliya ay noqon doonto Afghanistantii labaad, haddii duullaankani fashilmo.
Goobihii dagaalka ee muddadaas labada sannadood ah la isku faro saaray waxa ka mid ahaa: Ruun-irgood, Sabiid/Caanoole, Burdaar, Caddakibir, Qaayib, Hilawlegaab, Ceelbacad, Baarsanguuni, Jannaay Cabdalleh, Budbud, Masaggawaa, Xawaadley, Daaru Nicmah, Qaycad, Galcad, Cawsweyne, Caad, Camaara, Ceelbuur, Ceel-la-helay, Gaadaay, Barujeed, Ceelgaras, Ceeldheer, Bacaadweyne iyo Busleey. Jabkii koowaad ee ugu weynaa ee carrotuulku waxa uu ka dhacay deegaanka Galcad. Jabkaas, waxa xigay cagmarintii Cawsweyne iyo dabargoyntii Caad. Tan ayaa lama helaan iyo lama haleelaan ka dhigtay riyadii Xassan Sheekh Maxamuud ee ahayd in uu qabsado degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Wixii halkaa ka dambeeyey, waxa mar walba sii muuqanaayay jabka cadawga iyo guusha halgameyaasha. Sababaha waaweyn ee maaddiga ah ee duullaankani u fashilmay waxa ka mid ah: awoodda Xarakada Al Shabaab oo la dhayalsaday, tamar darrada xukuumadda Xamar oo la is hilmaamsiiyay iyo samirkii gaalada caalamka oo meesha ka sii baxaya.
Laba sannadood ka dib, caawa oo labo sano laga joogo habeenkii la caleema saaray Xassan Sheekh Maxamuud waxa ay gaaladu ka qaylo dhaaminaysaa burburka laxaadka leh ee ku yimid malleeshiyaadkii shareeca la dirirka ahaa. Waxa qayb ahaan burburay calooshooda u shaqaysteyaashii Danab, Gorgor iyo Ilaalo Qaran.
Waxa dhintay kumannaan ka mid ah malleeshiyaadkan oo ay ku jiraan saraakiishii ugu sareysey hogaankooda, waxa dhaawacmay kumannaan kale, waxa ciidannimada ka baxday boqollaal, waxaana gobannimodoonka isu soo dhiibay boqollaal kale. Waxa ay gobannimodoonka Soomaaliyeed la wareegeen hubkii, gaadiidkii iyo sahaydii ciidan ee malleeshiyaadkan. Laba sannadood ka dib, caawa Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu guranayaa midhaha qadhaadh ee duullaankiisii liddiga ku ahaa dadnimada, diinta iyo dalka Soomaaliyeed.
Maanta ma jirto wax la yidhaahdo dawlad Soomaaliyeed. Sida oo kale, ma jiraan wax la yidhaahdo ciidamo Soomaaliyeed. Malleeshiyaadkan la gumaaday waxa ay ahaayeen gaasdhagooleyaal carrotuul u ah gumaystaha soo duulay. Ciidamada xukuumadda dabadhilifka ah ee Xamar fadhida oo ay tababareen tobannaan dawladood oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Itoobiya, Yugaandha, Imaaraadka, Massar, mIdawga Yurub iyo Turkiga waa ciidamo calooshooda u shaqaysteyaal ah oo aan marnaba si caqli ah u macnayn karin wax ay u dhimanayaan, ujeeddo ay difaacayaan iyo qorshaha jiritaankooda.
Waa ciidamo cadaw u ah diintooda, dalkooda iyo jiritaanka dadkooda. Waa ciidamo daacad u ah ayna mushaharka siiyaan dawladihii soo tababaray, waxaanay ku shaqeeyaan talooyinka iyo rabitaanka dawladahaas gumaysiga ah. Waa ciidamo ay waajib tahay in la tirtiro, si gumaysiga rasmiga ah loo xididdo siibo. Suurtogal maaha in gumaysiga rasmiga ah la waajaho ilaa si run ah loo xididdo siibo calooshooda u shaqaysteyaasha ay ku adeegtaan. Tan ayaa siyaasad ahaan muhiim ka dhigtay, damiir ahaan xaq ka dhigtay, diin ahaanna waajib ka dhigtay dilkooda iyo dabargoyntooda.
Marka la joogo Cilmiga adeegsiga garaadka (Logics), haddii aynu asaaska doodda (Premises) isku waafaqno, waxa qassab ah in aynu gunaanadkana (Conclusion) isku waafaqi doonno.
Sidaasi daraaddeed, hadda asaaska dooddu waxa weeye: dawladaha shisheeye ee maanta Soomaaliya cudud iyo ciidanba soo dhoobay ma iyaga ayaa inagu soo duulay mise innaga ayaa ku duullay? Dhammaanteen waxa aynu isla waafaqsannahay in iyagu ay inagu soo duuleen oo ay dhulkeennii inoogu yimaaddeen. Markaa haddii tan hore aynu isla waafaqnay, waxa iyaduna qassab ah in aynu isla waafaqno in ay waajib tahay in dawladaha shisheeye ee inagu soo duulay aynu dalkeenna, diinteenna iyo dadnimadeenna ka difaacanno. Sida oo kale, waxa qassab ah in aynu isla waafaqno in ay waajib tahay in la dabargooyo adeegeyaasha ay sooduuleyaashu samaysteen.
W/Q: Nageeye Cali Khaliif
May, 2024