Urur u dooda xuquuqda dadka Axmaarada ah oo ka dhisan Ameerika, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay, in dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy ay duqaymo dhanka cirka ah oo ay ka gaysatay waqooyiga Itoobiya ay ku dishay dad badan oo rayid Axmaaro ah.
Duqayntan diyaaradeed, ayaa lasoo wariyay inay gaysteen diyaarado drones ah oo ay leedahay dowlada xabashida, waxayna duqaymuhu beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa meel u dhow Sasit oo ka tirsan degmada Mojana Wedera ee hoostagta waqooyiga Shewa ee gobolka Axmaarada.
Ururkan Axmaarada ah ee fadhigiisu yaahy daka Maraykanka, ayaa sheegay inay si horudhac ah u xaqiijiyeen dhimashada 70 qof oo rayid ah Axmaaro ah, kuwaas oo ay beegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maamulka Abiy Axmed.
Xasuuqa ugu daran ayay sheegeen in uu ku habsaday dad Axmaaro ah oo saarnaa gaari nooca wayn ee loo yaqaan FSR, kaas oo ay ka buuxeen dad badan oo Axmaro aan hubeysnayn ah, dadka ugu badan ee 70-ka qof ka kooban ayay sheegeen in ay baabuurkaasi saarnaayeen, waxaana dadka duqaymuhu dileen ay ugu yaraan 9 ka mid ah kasoo jeedeen hal qoys.