Howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab maanta ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle, ayaa lagu beegsaday saraakiil ka tirsan maamulka Riddada, gaar ahaan taliyaha booliska Riddada ee garoonka Jowhar iyo maareeyaha garoonka.
Qaraxa oo jugtiisa si wayn looga maqlay xaafado ka tirsan degmada Jowhar waxay Mujaahidiintu xaqiijiyeen in lagu dilay Mahad Muxiyadiin Calasow oo ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Muuse Yuusuf Dhuxulow oo ku magacaaban taliyaha booliska garoonka Jowhar.
Ilo warreedyadu waxay intaasi ku dareen in weerarka qaraxa uu gabi ahaan burburiyay gaariga ay saraakishan la socdeen ee qaraxa lagu weeraray, waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhimatay 1 askari oo murtad ah halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 2 kale.