Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba, halkaas ay oo xarun ciidan ku leeyihiin ciidamada xabashida Itoobiya, waxayna madaafiicdu Allaah fadligiis ku dhaceen gudaha garoonka.
Dhanka kale, howlgal gaar ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan kuwa Military-ga loogu yeero, waxaana laga soo qaniimeystay qori uu sitay.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin deegaanka Siinka dheer oo ah deegaan ku yaala waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.