Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab waxay madaafiic xooggan ku garaaceen ciidamo xabashi Itoobiyaan ah oo ku go’doonsan meel u dhaw goobtii todobaad ka hor lagu xasmiyay ee dhacda duleedka degmada Rabdhuurre ee wilaayada Bakool.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen in 12 madfac lagu dhuftay goobta ay ku sugnaayeen ciidanka xabashida Itoobiya, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu qarax la beegsadeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay dhanka deegaanka Yeed ee gobalka Bakool.
Dhanka Sh/hoose, howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Afgooye ayaa lagu khaarajiyay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed, kaasi oo ka tirsanaa maleeshiyaadka jawaasiista dharcadka ee kooxda Riddada.
Dhanka Gedo, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa Controlka murtadiinta ee u dhow xerada Baraxow ee degmada Baardheere, waxaana jugta qaraxaasi si wayn looga maqlay qaybo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.
Dhanka Laamu, Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Shangaani ee gobalkaasi Lamuu, waxaa weerarkaasi lagu dhaawacay 3 askari oo Kenyaati ah halka gabi ahaanba la gubay istoorkii saldhigga.