Khasaare kala duwan oo naf iyo maal isugu jira ayaa ka dhashay duqaymo maanta maleeshiyaad ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland ay ku garaaceen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo dadka deegaanka ay horay dagaal uga saareen maamulkan.
Madaafiicda ay ridayeen maleeshiyaadka maamulkaan ayaa la xaqiijiyay inay kusoo dhaceen guryo ay leeyihiin dad shacab ah, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 4 qof oo 3 ka mid ah ay hal goob ku wada dhinteen, halka qofka 4-aad oo ka mid ahaa duqayda deegaankana uu madfac kale ku habsaday.
Sidoo kale duqaymahan ayaa burbur xooggan u gaystay guryaha dadka rayidka ah, waxaana ay qayb ka yihiin falalka ka dhanka ah dadka shacabka ah ee uu maamulka murtad Muuse Biixi ka gaysanayo Laascaanood iyo deegaannada kale ee looga kacdoomay.