Wararka ka imaanaya magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afghanistan waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu garaacay safaarada dowlada Nasaarada Mareykanka ay ka sameysatay bartamaha magaaladaasi.
Dhowr madfac ayaa la xaqiijiyay iney bartamaha ka galeen safaarada taasi oo muujineysa iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo dowlada Mareykanka kasoo gaartay duqeyntaasi.
Sidoo kale dhowr madaafiic ayaa lagu garaacay garoonka diyaaradaha Kaabul oo kaabiga ku hayo safaarada kaasi oo inta badan ay kasoo dagaan kana duulaan saraakiisha iyo ciidamada Nasaarada Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Dhanka kale weerar culus oo ka dhacay deegaanka Lowjar ee bartamaha dalka Somalia waxaa lagu dilay Saddex askari oo American ah,waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay hal askari oo American ah.
Madaafiicda lagu garaacay safaarada Mareykanka iyo weerarka lagu dilay askarta Americanka ee ka kala dhacay gobalada Kaabul iyo Lowjar ee bartamaha dalka Somalia waxaa mas,uuliyadooda sheegtay Imaraada Islaamiga Afghanistan oo mudooyinkii dambe sii labo laabtay weerarada ka dhanka Mareykanka.
Calamada.com