Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa maanta gelinkii dambe laga maqlay saldhigyo melleteri oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad magaalada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.
Wararka ka imaanaya deegaanka Faxfaxdhuun ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigyada ciidamada Melleteriga Kenya,Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa tobaneeyo madfac la helay saldhigyada ciidamada Kenya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu dab qabsaday Teendhooyin udhisnaa melleteriga Kenya, dadka deegaanka waxay sheegeen in sheedda sare ay ka arkayeen qiic iyo uura madoow oo cirka isku shareeray.
illaa iyo hadda lama oga khasaaraha nafeed ee ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarka madaafiicda ah ee Mujaahidiinta Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada melleteri ee deegaanka Faxfaxdhuun.