Duqaytan ayaa xalay fiidkii lala beegsaday Saldhigga ciidamada shisheeyaha Yugaandha ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelaha Hoose.
Daryanka madaafiicda ay Mujaahidiintu ku qaadeen ciidamada Yugaandha ayaa si weyn looga maqlayay degmada Qoryooleey iyo nawaaxigeeda.
Inta la xaqiijiyay ilaa 7 madfac ayaa ku dhacday gudaha xerada AMISOM ay ku leeyihiin agagaarka buundada Magaalada Qoryooleey. Waxaana xilliga ay duqayntu beegsanaysay xerada kuwada sugnaa Ciidamada shisheeyaha ah iyo maleeshiyaatka dowladda oo iyagu xilliyada habeenkii ah iskaga carara gudaha magaalada kuna hoyda saldhiga AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya in khasaare uu ka dhashay duqaynta loo geystay saldhiga Yugaandha, inkasta oo aanan tiro rasmi ah weli lahaynin, xilliga uu weerarku dhacay oo habeen ahaa daraadeed.
Mujaahidiinta ka hawgala Wilaayada Shabeellada Hoose ayaa weeraro aanan kala joogsi lahayn ku haya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee xoogga ku haysta qaybo kamid ah Wilaayadaasi.
Dhowr maalmood ka hor ayay ahayd markii Mujaahidiintu ay 7 askari oo Yugaandhays ah ku dileen dagaal ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey, kadib markii ay kamaa’ino u dhigeen ciidamada shisheeye xilli ay kasoo laabteen weerar ay ku qaadeen deegaanka Gaaywaroow ee duleedka Qoryooleey, halkaas oo ay falal gurracan oo isugu jira dilal, kufsi iyo boob hantiyeed kasoo geysteen.