Galabnimadii maanta waxay ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen saldhigga ciidamada xabshida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Guutada madaafiicda Mujaahidiinta waxay tiro dhowr madfac ku dhufteen gudaha saldhigga ay xabashidu ka dhisatay garoonka diyaaradaha ee degmada Baydhaba khasaare kala duwan ayaana weerar duqaynta ah ka dhashay.
Sida ay sheegayaan ilo weraadyo masuul ah dhowr madfac wxay gudaha u dhaceen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ee garoonka magaalada Baydhaba waxaana halkaasi ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.
Wali si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxaa jira khasaare kala duwan oo weerarka ku gaaray xabashida.
Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay maalmihii lasoo dhaafay sare u qaadeen weerarada ka dhanka ah xabashida ee duullaanka ku joogto qaybo ka mida wilaayada Bay iyo Bakool.
Calamda.com