Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigyo iyo xarumo murtadiinta ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Goobaha mujaahidiintu madaafiicda ku weerareen waxaa ka mida xarunta madaxtooyada kooxda Riddada Soomaliya ee loo yaqaano Villa-Soomaliya, sidoo kale waxay mujaahidiintu duqeymo ku beegsadeen saldhigyo maleeshiyaadka Riddada ay ku kala leeyihiin degmooyinka Xamarweyne, Xamar-jajab, Heliwaa, Yaaqshiid, Kaaraan, waxaana jira khasaare gaaray maleeshiyaatkii ridada ee ku sugnaa saldhigyadaasi.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ku beegsadeen Bar Control oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin gudaha degmada Baladxaawo ee Gedo, waxaana jira khasaare gaaray Riddada.
Dhanka Sh/hoose iyo Baay, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro xooggan ku mireen saldhigga murtadiinta ee deegaanka Jaziira iyo isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay inta u dhaxayso Baydhaba iyo deegaanka Goof-gaduud Buurey, askari la oran jiray Maruub Maxamed ayay goobta ku dileen qorigii iyo booshkiisana waxay ka qaniimeysteen.
Dhanka Mandheerena waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Kuffaarta Kenya ee degmada Carabiya, askari ka tirsanaa ciidanka kuffaarta Kenya ayaa lagu dilay weerarkaasi, dagaalka intii uu socday saldhigga dab xoogan ayaa qabsaday.
Geesta kale faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay la beegsadeen ciidamo saliibiyiin ah, kaasi oo ka dhacay agagaarka deegaanka Numbar 50, 7 askari oo saliibiyiin ah ayaa lagu dilay, halka sidoo kale lagu dhaawacay saddex kale oo isla Kuffaarta ka tirsan, waxaana xusid mudan in diyaarad nooca Helicopter-ka ah ay goobta soo caga dhigatay, taasi oo goobta ka qaaday dhimashada iyo dhaawacyada saliibiyiinta.