Ciidamo ka tirsan guutada madaafiicda ee Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar madaafiic ah ku garaaceen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, taasi oo ah taliska ugu weyn ee saliibiyiintu ku leeyihiin Soomaaliya.
Madaafiicda waxay Allaah fadligiis ku dhaceen gudaha xerada, waxaana jirta khasaare kala duwan oo ka dhashay duqeyntaas lagu beegsaday taliska ugu wayn ee ay saliibiyiintu kaga suganyihiin magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo qarax la eegteen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Kutulow iyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee dhulka NFD.
Qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay gaari nooca Tawga ah, kaasi oo isla goobtaasi ku gubtay askartii la socotayna waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.