Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey maanta tiro madaafiic ah ku garaaceen xarunta madaxtooyada maamul gobaleedka isku magacaabay koonfur galbeed ee magaalada baydhabo.
Xilliga duqeynta waxaa gudaha madaxtooyada ka socotay doorashada xildhibaanada ridada aqalka hoose qeybta maamulka ashahaado la dirirka ah ee koonfur galbeed.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha magaalada baydhabo halkaas oo saldhig u ah askarta xabashida itoobiya, Waxeyna duqeyntaan burburisay dhismayaal ku yaalay gudaha eleboorka.
Duqeyntaan waxey kusoo aadeysaa xilli uu isku day dil ka badbaaday gudoomiyaha maamulka koonfur galbeed ugu magacaaban degmada Baraawe murtadka lagu magacaabo cumar sheekh cabdi kadib markii xalay mujaahidiintu hooygiisa oo baraawe ku yaala qarax kula beegsadeen.
Calamada.com