Ciidamada guutada madaafiicda Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir, waxay howlgal culus oo madaafiic ah ku qaadeen xarunta madaxtooyada kooxda Riddada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ciidamada mujaahidiintu ku dhufteen madaafiic dhowr ah.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in tiro ka mid ah mdaafiicda ay ku dheceen gudaha madaxtooyada, sidoo kale qayb ka mida madaafiicda ayaa ku dhacday guri uu dagganyahay murtadi Cali Maxamad Geedi oo ah Ra’iisalwasaarihii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya oo u dhow madaxtooyada, waxaana jira khasaare Riddada kasoo gaaray duqeynta.
Wali lamahelin faahfaahin intaas ka baxsan oo ku aadan khasaaraha ka dhashay madaafiicda ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen madaxtooyada kooxda Ridada Soomaaliya, balse dib ayaan kasoo gudbin doonaa wixii tafaasiil ah ee kasoo kordha howlgalkaasi.