Jugta Culus ee Madaafiicda ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo.
Madaafiicda ayaa lagu garaacay Xarunta Villa Somalia oo ah xarunta ugu weyn ee dowladda Ridada,waxeyna madaafiicda ku dhaceen gudaha xarunta.
Xilliga duqeynta waxey Villa Somalia aheed mid aad u mashquul ah maadaama muddooyinkii dambe uu sii xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan hogaanka dowladda Ridada.
Warar laga helayo Villa Somalia waxey sheegayaan in madaafiicda lagu garaacay xarunta ay geysteen khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay dowladda Federaalka iyo shisheeyaha ilaalada ka ah xarunta.
Mas’uuliyadda Duqeyntan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo dhowr jeer sidaan oo kale Madaafiic ugu garaacday Xarunta Madaxtooyada Kooxda Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.