Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsnaay maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Hurwaa.
Shaafici oo ahaa madaxii Canshuuraha ee maamulka Farmaajo ugu magacaaban degmada Hurwaa ayeey ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku geeriyooda.
Ragga hubeysan ee dilka geystay ayaa horay usii qaatay qori AK47 ah oo sarkaalkan uu watay waxaana meydkiisa markii dambe goobta ka qaaday maleeshiyaatka dowlada qeybta ka howl gasha degmada Hurwaa.
Sarkaalkan ayaa ahaa mid si aad ah u dhibay dadka shacabka gaar ahaan ganacsatada suuqyada xaafadaha kala duwan ee degmada Hurwaa.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.
Ma aha canshuur qaadihii 1aad oo madaxiisa iyo qorigiisa lagu canshuuray!!!.
Ilaahoow mujaahidiinta u hiili.