Qarax culus ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho, Waxa uu qaraxan sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa Tarbuunka iyo Difeer.
Qaraxa waxaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar ka tirsan guutada 12-aad ee kooxda Ridada Somalia.
Gaari cabdi bilaha waxyeelo xoogan ayaa gaartay waxaa sidoo kale qaraxa ku baqtiyay Saddex Murtad oo isugu jirta Labo sarkaal iyo askar.
Saraakiisha qaraxan lagu dilay waxaa ku jira Gaashaanlle sare Ismaaciil Magarow kaasi oo ahaa madaxii qeybta Zaadka ee guutada 12-aad, Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay tiro askar ah oo ka tirsan isla guutada Labo iyo Tobanaad ee kooxda Ridada Somalia.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.