Sarkaalka madaxweynaha ka ah dowladda Riddada Burkiina Faaso, Ibraahiim Tarowri, ayaa ka jawaabay hadal toddobaadkii tagay kasoo yeeray Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha dowadda saliibiyadda ah ee Faransiiska.
Madaxa golaha millatariga Burkiina Faaso, ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Faransiiska uu bahalo ka aaminsanyahay dadka Afrikaanta ah, isagoo dhanka kalena ku cataabay in Faransa ay ihaanaysatay madaxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee mandiqadda saaxilka.
“Macron waxa uu aflagaadeeyay dhammaan dadka Afrikaanka ah”, waxaa sidaas yiri Tarowri, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Macron uu bahalo ka aaminsan yahay dadka Afrikaanka ah.
Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Riddada ah ee Burkina Faso, ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii tagay khudbad uu ka jeediyay Pariss madaxweynaha Faransiiska Emanuel macron uu ku weeraray madaxda calooshood u shaqeysteyaasha ah ee saaxilka Afrika, isaga oo ku tilmaamay kuwa dabadhilifyo ah oo aan mudnayn in abaal loo galo.
Faransiiska ayaa sanadadii dambe laga ceriyay dalalka dhaca saaxilka iyo saxaraha Afrika, waxaana bishaan lagu wadaa in ciidamada Faransiiska isaga baxaan waddanka Ivory Coast, madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in ciidamada Faransiiska ay si dhammaystiran uga baxaan dalka bishan January ee 2025-ka.