Madaxwaynaha dowladda Shiinaha ayaa lix sannadood kaddib markii ugu horaysay ka degay dalka Maraykanka, xilli khilaafka labada dawladood uu muddooyinkii dambe kasii darayay, sababo ku aaddan xiisadda ka taagan Jaziiradda lagu mursan yahay ee Taiwan.
Madaxweynaha xukuumadda Biijiin ninka lagu magacaabo Xi Jinping ayaa Arbacada maanta ah ka degay magaalada San Francisco ee ka tirsan gobolka California ee carriga Maraykanka, halkaas oo sida la shaaciyay uu uga qeyb gali doono shirka iskaashiga dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladaha Aasiya iyo Baasifiga.
Waxaa la filayaa inay kulan wadajir ah yeesheen hoggaamiyeyaasha labada dal sida la shaaciyay, kuwaas oo kala ah Joe Biden iyo Xi Jinping, Biden ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay xarunta aqalka cad ee looga arrimiyo dadka Ameerikaanak ah sheegay in kulanka uu la yeelan doono Xi Jinping uu ka rajaynayo inay xaliyaan cilaaqaadka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.