Yoweri Museveni gaalka Madaxweynaha ka ah dalka Uganda ayaa si lama filaan ah xilka qaadis ugu sameeyay Taliyihii ciidanka xoogga General Katumba Wamala oo ay siyaasad ahaan isku dhowaayeen.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Museveni ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay General Katumba Wamala oo ahaa taliyaha guud ee ciidanka Uganda waxaana lagu bedelay Maj Gen Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka weyn ee Yoweri.
Gen Muhoozi ayaa maalma ka hor iska casilay xilkii uu ka haayay dowladda oo ahaa taliyaha ciidanka khaaska ah, tallaabadan ayay kooxaha mucaaradka ku tilmaameen isku day hor leh oo uu Baadari Museveni ku doonayo in wiilkiisa uu ugu diyaariyo dhaxalka madaxtinimada wadanka.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Eryidda Katumba Wamala iyo Magacaabista wiilka Museveni ay khilaaf hor leh ka dhax dhalin karto melleteriga wadankaasi.
Kaligii taliyaha Uganda maamula ayaa bahdil ku sameeyay saraakiishii ugu sarraysay melleteriga wadanka waxaana la sheegay in xilalka ugu sarreeyo xukuumadda uu u dhiibay qoyskiisa sida xaaska Museveni oo loo magacaabay wasiiradda wasaaradda waxbarashada.
Doorashooyinkii dhacay sanaddii lasoo dhaafay ayay kooxaha mucaaradka ah sheegeen in uu ku shubtay xisbiga madaxweynaha kadib markii uu xiray hoggaamiyaashii ugu caansanaa mucaaradka ee la filayay in ay ka qeyb galaan doorashada.