Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halaagsamay madaxweynihii hore ee dalka Iiraan Cali Akbar Haashimi Rafsanjani oo ahaa nin Shiico ah.
Dowlada Shiicada Iiraan ayaa shaacisay geedirada madaxweynihii hore ee dalka Iiraan kaasi oo ahaa nin si aad ah u necbaa Muslimiinta Ahlu Sunnaha.
Ninkan ayaa u dhintay xanuun dhanka Wadnaha oo lasoo darsay’iyadoona galinkii dambe ee shalay loola cararay goob caafimaad si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad kaasi oo ugu dambeyntii geeriyooday.
Cali Akbar Haashimi Rafisjaani oo 82 jir ah ayaa jagooyin kala duwan waxa uu kasoo qabtay dowladda Shiicada Iiraan, intii u dhexeysay sanadihii 1989 iyo 1997 ayuu soo ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda shiiciga ah ee Iiraan.
Sidoo kale waxa uu soo qabtay jagooyin ay kamid yihiin Taliyaha ciidamada Iiraan iyo gudoomiyaha Baarlamaanka’waxaana lagu tiriyaa inuu kamid ahaa dadka ka ag dhow Khumeyniga Iiraan.