Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal 1444H laga arkay ilaa afar goobood oo kala duwan oo ku yaalla Wilaayaatka Islaamiga ah.
Marktbka qadaha ayaa sheegay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 10 qofood kuna dhaqan Wilaayaatka Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay arkeen dhalashada bisha Shawaal 1444H.
Deegaanada laga arkay bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah Degmada Jamaame ee Jubooyinka, Deegaanada Jamaaca-mubaarak iyo Buurweeyn ee hoostaga degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi ee Wilaayada Hiiraan, iyo deegaanka Bargaan ee hoostaga Degmada Galhareeri ee Wilaayada Galguduud.
Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha ayaa lagu sheegay in 4 qofood oo Muslimiin ah ay bisha ku arkeen degmada Jamaame, 2 kale ay ku arkeen deegaanka Jamaaca-mubaarak, 2 kale ay ku arkeen deegaanka Buurweyn, halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Deegaanka Bargaan.
Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Jimco ah ah ay tahay ciidul Fitri.
Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidiinta ayaa dadka Muslimiinta ah loogu hambalyeeyay ciidul Fitriga waxaana loogu baaqay in ay dadka masaakiinta ah caawiyaan farxada ciidana la qaybsadaan.