Maktabka Qadaha ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin ayaa goordhow ku dhawaaqay in ay dhalatay bishii barakaysan ee Ramadaan.
Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Maalinta Berri oo Jimca ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii bilashada Ramadaan cawada laga arkay qaybo kamid ah Wilaayaatka Islaamiga.
Maktabka Qadaha Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dad Muslimiin ah oo ku dhaqan deegaanka Ceel-Garas ee Wilaayada Islaamiga ah ee Galguduud ay sheegeen inay arkeen dhalashada bisha Ramadaan, isla markaana Maktabku uu xaqiijiyay in marqaatiga dadkaas Muslimiinta ah ay tahay mid lagu kalsoonaan karo, sidaas daraadeedna dhamaan dadka Muslimiinta ah lagu wargelinayo in ay dhalatay bishii Khayrka badneed ee Ramadaan
Maktabka Qadaha waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah kula dardaarmaya in ay ka faa’iideystaan bisha Fadliga bada ee Ramadaan, ayna ku dadaalaan Acmaasha wanaagsan sida Qur’aan akhriska, Adkaarta, Salaadaha iyo Jihaadka, inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Maktabka waxaa uu sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah u baaqayaa in ay dhaxdooda isku naxariistaan islamarkaana caawiyaan dadka fuqarada ah iyo Masaakiinta ah