Iyadoo caawa si aad ah gudaha dalka Somaliya iyo guud ahaan Caalamka looga baadi goobayay Bilashada Bisha Shawaal waxaa arintaasi ka hadlay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
War rasmi ah oo kasoo baxay Maktabka Qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa lagu xaqiijiyay in maalinta Bari oo Axad ah ay tahay Maaliin Ciid ah oo Muslimiinta dhan ay u dabaal dagayaan munaasabadda Ciidul Fidri islamarkaana ay bilatay bisha Shawaal.
Bisha ayaa caawa fiidkii laga arkay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada Mudug,Galgaduud,Sh/dhexe ,Jubbada hoose iyo gobalka Banaadir oo ah gobalo dhaca bartamaha iyo konfurta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale bisha waxaa laga arkay qeybo badan oo ka mid ah wadamada Caalamka sida Dhulka Xarameynka,Khadar,Cammaan,Urudun,Yemen iyo Imaaraatka Carabta.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Calamada.com