Dagaallo culus oo u dhaxeeyay maleeshiyo ka wada tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta u ah gobolka Bari ee waqooyi bari Soomaaliya.
Dagaalladan ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa loogu yeero PSF ee sida gaarka ah uu u tabobartay Maraykanka ay weerareen saldhig kuyaal bartamaha magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ka sameeyeen isku day ay saldhiggaasi kala baxayeen askar ka tirsan ciidankooda.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegay in labada maleeshiyo ee isku dhacyada ku dhexmareen magaalada Boosaaso ee xarun goboleedka Bari, ay is waydaarsadeen rasaas kala duwan.
Inta la hubiyay ilaa 3 xubnood ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen iska hor’imaadkan u dhaxeeyay maleeshiyada Puntland, kuwaas oo isugu jira ciidanka dagaallamay iyo dad shacab ah.
Boosaaso waxaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu dagaallamay maleeshiyo ka tirsan kuwa PSF iyo kuwa daacad u ah maamulka uu madaxa ka yahay Siciid C/llaahi Deni, halkaas oo dhinacyadu iska dileen askar.