Ciidamo ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa ku wada dagaalamay gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadka.
Muran dheer oo dhexmaray saraakiil ka tirsan booliska ayaa sababay in iska hor’imaad ka dhex qarxo maleeshiyaat ka amar qaata saraakiisha’waxa uu iska hor’imaadka si gaar ah kaga dhacay agagaarka isgoyska Afar Irdoodka degmada Xamarweyne.
Inta la xaqiijiyay maleeshiyaatka dowlada Ridada waxey iska hor’imaadka isaga dileen hal askari tiro kalane weey iska dhaawaceen mana jirta wax dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay dadkii shacabka ee ku sugnaay suuqa degmada Xamarweyne.
Maalintii shalay ayeey aheed markii maleeshiyaat ka wada tirsan Milatariga dowlada federaalka ay ku dagaalameen gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho’waxaa ka sii horeeyay iska hor’imaad maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada ku dhexmaray degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelada dhexe kaasi oo ay isaga dileen 7 askari Shan kalane ay isaga dhaawaceen.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.