Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in maleeshiyaatka Maamulka Mushrikiinta boqolaal ruux ka raafeen xaafadaha degmadaasi.
Boqolaalka ruux ee maleeshiyaatka Suufida ay dhigeen Xabsiga degmada Guriceel ayaa isugu jira Odayaal’Mucaliim iyo arday oo isugu jirta Rag iyo Haween.
Maleeshiyaatka ayaa dadkan kala baxay Madaarista Quraanka Kariimka’iskuulada Nidaamiga’Masaajidda iyo guryaha xaafadaha ay ka koobantahay degmadaasi.
Boqolaalkan ruux ayaa caawa ku hooyanayo xabsiga Guriceel waxeyna wararka qaar sheegayaan in qaar ka mid ah dadka la raafay loo gudbiyay dhanka degmada Dhuusa mareeb.
Calamada.com